
Virgil van Dijk ayaa uga digay saaxiibadiisa Liverpool in dhaawacyada iyo ganaaxyada ay noqon karaan kuwo muhiim ah marka ay timaado go’aaminta masiirka horyaalka Premier League.
Reds ayaa fadhisa hogaanka horyaalka, iyadoo labo dhibcood ka sareysa Chelsea iyagoo hal kulan baaqi u yahay laakiin haatan waxa ay waayi doonaan hal kulan xiddiga Andy Robertson kaas oo casaan looga saaray kulankii Fulham.
Arintaas ayaa dhirbaaxo ku ah Reds kuwaas oo haatanba dhaawac ku waayay xiddigaha Ibrahima Konate iyo Conor Bradley halka uu sidoo kale Kostas Tsimikas haatan ku soo laabanayo garoomada.
Van Dijk waxa uu qirtay in dhaawacyada iyo ganaaxyadu go’aamin karaan tartanka horyaalka premier League.
“Aan aragno waxa dhaca Arbacada,” Van Dijk ayaa yiri ka hor kulanka afar dhamaadka Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan Southampton bartamihii isbuuca.
“Ma garanayo, malaha Tababaruhu waa in uu noqdo mid hal abuur leh”.
“Dhaawacyadu way jiraan sidaas darteed waa in aan aqbalno, waa nasiib daro laakiin waxa aan rajaynayaa in ay wax is badalaan oo ay ciyaartoyadu soo laabtaan wakhti dhaw”.
Be the first to comment