Unai Emery oo Manchester United la barbardhigay Barcelona, kana hadlay mustaqbalkiisa Aston Villa

0

Tababaraha Aston Villa, Unai Emery, ayaa Manchester United ku tilmaamay koox la heer ah Barcelona, xilli uu kooxdiisa u diyaarinayo kulanka ay Axadda la ciyaarayaan Red Devils.

Emery ayaa sheegay in Manchester United ay tahay koox weyn oo awood leh, inkastoo aysan xilli ciyaareedkan si joogto ah uga soo muuqan horyaalka.

Advertisment

Dhanka kale, tababaraha reer Spain ayaa wada-hadallo la yeeshay milkiilaha Aston Villa, Nassef Sawiris, si uu u saxiixo heshiis cusub, taas oo meesha ka saari karta wararka la xiriirinayay inuu beddelo Michael Carrick.

Emery ayaa sidoo kale shaaciyay hamigiisa ah inuu Aston Villa ka dhigo koox u tartanta hanashada Champions League, isagoo xusay in kubadda cagta ay suurtagal tahay in koox aan loo saadaalin koobka ay ku guuleysato.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here