UEFA Oo Man United Ka Hor Istaagtay Saxiixa Daafac Aad Loo Qiimeeyo, Sabab.

Saxafiga caanka ah ee Fabrizo Romano ayaa sheegay in dadaaladii ay Man United ku doonaysay saxiixa Jean-Clair Todibo  ay bur-bureen.

Man United ayaa lala xidhiidhinayay daafaca Jean-Clair Todibo tan ilaa xagaagii hore si ay ugu xoojiso daafaceeda.

Red Devils ayaa la filayay in ay xagaagan dhamaystirto saxiixa xiddiga xagaaga laakiin UEFA ayaa u muuqata kuwo hor istaagaya heshiiska.

Romano ayaa sheegay in heshiisku haatan bur-buray isla markaas ayna u badnayn in uu dhoco sabab la xidhiidha xeer u yaala UEFA.

Saxafiga ayaa sheegay in ay Man United wadahadalo horumar leh kula jirtay Nice si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Laakiin maadama Milkiilaha Nice sidoo kale saami ku leeyahay Man United waxa ay saamaysay heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga