ThomasPartey Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal.

Thomas Partey ayaa doorbidaya inuu sii joogo Arsenal suuqa kala iibsiga xagaaga, sida ay wararku sheegayaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ghana, oo 45 milyan euro kaga soo biiray Atletico Madrid 2020, ayaa ku soo bilowday kaliya sagaal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Waxaa la fahamsan yahay in Arsenal ay u furan tahay inay iska iibiso Partey ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda, waxaana ay doonayaan inay keenaan ciyaaryahan khadka dhexe ah oo awood u siinaya Declan Rice in uu ka ciyaaro khadka dhexe ee weerarka.

Si kastaba ha ahaatee, Charles Watts ayaa ku waramaya in Partey uu doonayo inuu sii joogo Arsenal oo dhamaysato heshiiskiisa kooxda Inta uga dhiman.

Sidoo kale kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ayna xiddiga wadahadalo heshiis cusub ah la Galin xiddiga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga