Thierry Henry Oo Shaaciyay Sababta Ka Dambaysa Go’aanka Uu Klopp Kaga Tagayo Liverpool.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa la wadaagay fikirkiisa ku aadan go’aankii aadka loo hadal hayay ee Jurgen Klopp uu kaga tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xili ciyaareed kaan.

56-jirka, oo Liverpool kula guulaystay koobabka Champions League, Premier League iyo FA Cup sideed sano iyo bar oo uu joogay Anfield, ayaa u sababeeyay “tamar la’aan” inay sabab u tahay bixitaankiisa

Go’aanka Klopp ee uu kaga tagayo Liverpool ayaa ah mowduuca ugu xiisaha badan, waxaana mid ka mid ah halyeeyadii abid ugu fiicnaa Premier League ee Thierry Henry uu fikirkiisa ka dhiibtay arrintan.

Isagoo la hadlayay CBS Sports, Henry wuxuu yiri: “Pep wuxuu joogay Barcelona, ​​wuxuu qaatay sanad Nasasho ah, Klopp waxa uu qaadanayaa sanad fasax ah, Xavi ayaa ka tagaya Barcelona, kooxaha waa 3-da koox ee ugu waaweyn adduunka”.

“Waa shaqo riyo ah laakiin waa shaqo ku saaraysa cadaadis laakiin wakhti waa in aad naftaada dhaqaalayso”.

“Waxa uu u xiisaya qoyskiisa waxana uu doonayaa in uu wakhti la qaato”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga