Thierry Henry Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee kulanka PSG Lugta 2-aad Ee Champions League.

Thierry Henry ayaan wali ka rajo dhigin in Arsenal ay gaarto finalka Champions League laakiin waxa uu qirtay in Paris Saint-Germain ay aad uga sarraysay kulankii Ka dhacay Emirates lugta hore ee Semi Final-ka Champions League.

Ousmane Dembele ayaa dhaliyay goolka qura,kadib afar daqiiqo oo kaliya,laakin ciyaarta ayaa la arkayay fursado ay labada kooxoodba heleen.

Henry ayaa ka niyad jabay wixii uu ka arkay kooxdiisii hore, kuwaasoo ka qeyb galayay semi-finalka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 16 sano.

Laakiin waxa uu rumaysanyahay in uu arkay calaamado Rajo muujinaysa.

“Waxa Jira kulan kale”ayuu ku yiri CBS Sports Golazo Marna ma ogid waxa dhici doona”.

“PSG aad ayey uga sareysaa kulankaan, sidaa darteed wax badan ayaa u baahan in wax laga bedelo si ay Arsenal u hubiso inay PSG ka badiso kulanka xiga”.

“Kulanka Paris waxa uu noqon doonaa mid ka duwan midka ka dhacay Emirates”ayuu sii raaciyay.

“Sida aan Horay u sheegay wali waxa dhiman kulan, wax walbana way dhici karaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga