Theo Walcott Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Halyeyga kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa saadaal cusub oo Premier League ah ku sameeyay kooxdiisii ​​hore ee dagaal adag kula jirta Manchester City iyo Liverpool.

Gunners ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka ka dib markii ay 2-0 kaga badisay Wolves iyagoo ku soo laabtay wadada guusha ka dib markii ay guuldaro kala kulmeen Bayern Munich iyo Aston Villa.

Arsenal waxa ku daba jooga City iyo Liverpool kuwaas oo iyaguna doonaya in ay ku guulaystaan horyaalka.

“Haa way awoodaan”ayuu Walcott yidhi markii la waydiiyay hadii ay kooxdiisii hore ku guulaysan karto horyaalka”.

“Kulamadan oo kale uma malaynayo in aad ka fikirto waxyaabo soo socda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga