Ten Hag Oo Afka Furtay Kadib Markii Ay Soo Bexeen In Ay Man United Shaqada Ka Caydhin Doonto.

Erik ten Hag ayaa sheegay in milkiilayaasha Manchester United ay u sheegeen inay doonayaan in uu dib u dhis ku sameeyo ooxda iyadoo ay jiraan warar sheegaya in la ceyrin doono kaddib finalka FA Cup-ka.

Qaab ciyaareedka liita ee Man United ayaa keeni arta in uu Ten Hag lumiyo shaqadiisa Old Trafford iyada oo ay jiraan warar sheegaya in la caydhin Doono kadib Final-ka FA Cup-ka xitaa hadii ay kooxdu ku guulaysato koobka.

Maamulka Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba Go’aansadeen in ay iska caydhiyaan Ten Hag.

Laakiin tababaraha ayaa sheegay in ay milkiilayaasha kooxdu u sheegeen in ay doonayaan in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda.

“Waxay sheegeen inay rabaan inay wax walba beddelaan oo ay rabaan inay dib u dhistaan ​​aniga,” Ten Hag ayaa u sheegay Voetbal International .

“Tani waa waxa ay si toos ah iigu sheegeen”.

“Aan si cad u hadlo, waxa ay ahayd xilli ciyaareed xun, laakiin ax walba marka la eego waxa aan gaadhnay Final-ka A Cup-ka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga