Tartanka Gooldhalinta Kabta Dahabka Ah Ee Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraysa.

Xilli ciyaareedka 2023-24 ayaa ah kii ugu horeeyay muddo 20 sano ah oo ayna ka soo muuqan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo mid ka mid ah horyaalada Yurub.

Labadaas magac ayaa gacanta ku haya jaantusyada gooldhalinta Yurub ku dhawaad ​​labaatan sano oo dhan, iyagoo dhaliyay ku dhawaad ​​kun gool oo horyaalka ah oo la isku daray waxayna kor u qaadeen wax aan ka yarayn 10 abaalmarin oo kabta dahabka ah ee Yurub.

Laakiin hadda waxaan gaadhnay waa cusub oo magacyo caan ah ayaa si lama filaan ah u xukumaya jaantusyada gooldhalinta.

Waxaan eegnay 10-ka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub – Ligue 1, La Liga, Bundesliga, Serie A iyo Premier League.

Waxa Hogaaminaya Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Harry Kane kaas oo dhaliyay 31 gool horyaalka Bundesliga isaga oo dhaliyay 31 gool ilaa haatan horyaalka Bundesliga.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo dhaliyay 24 gool ilaa haatan horyaalka halka uu xiddiga Lautaro Martinez dhaliyay 23 gool.

Halkan Kaga bogo sida loo kala sareeyo tartanka:

  1. Harry Kane (Bayern Munich) 31 Gool
  2. Kylian Mbappe (PSG) 24
  3. Lautaro Martinez (Inter) 23
  4. Serhou Guirassy (Stuttgart) 22
  5. Luis Openda (RB Leipzig) 19
  6. Erling Haaland (Man City) 18
  7. Jude Bellingham (Real Madrid) 16
  8. Ollie Watkins (Aston Villa) 16
  9. Darwin Nunez (Liverpool) 15
  10. Mohamed Salah (Liverpool) 15

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga