Maamulaha Real Sociedad Imanol Alguacil ayaa ku adkeysanaya in Mikel Merino uu wali ka tirsan yahay kooxda uuna la jiri doono ‘kooxda dhimashada’, inkastoo ay jiraan warar xan ah oo xiddiga khadka dhexe la xiriirinaya Arsenal.
Warar ka soo baxayay Spain Jimcihii ayaa tilmaamayay in Arsenal iyo Sociedad ay gaadheen heshiis afka ah oo uu xiddigu ugu biirayo Gunners lacag dhan 30 milyan oo euro iyada oo Gunners aad u doonayso in ay dhamaystirto heshiiska.
Merino ayaa markii dambe laga saaray kooxdii Sociedad ee guuldarada kala kulantay Real Vallecano axaddii, taasoo sii hurinaysa wararka la isla dhexmarayo ee u dhaqaaqista xiddiga ee Emirates.
Shirkiisii jaraa’id ee ka hor kulanka habeen hore, Alguacil ayaa xaqiijiyay in Merino uu taam yahay oo la heli karo laakiin ‘wada xaajoodka furan’ ee Arsenal ay sabab u ahayd in uu seego kulanka.
“Merino waxa uu ka mid yahay Real Sociedad, waxana uu joogayaa kooxda ilaa dhimashada”.
“Ma jiro wax is badalay ilaa haatan”.
Be the first to comment