Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Kadib Bar-Barihii Liverpool Iyo Arsenal.

Kooxda Liverpool ayaa fursad u heshay in ay si buuxda gacanta ugu dhigto tartanka premier League kadib markii Arsenal Iyo Chelsea dhibco lumiyeen.

Laakiin hogaamiyayaasha horyaalka ayaa ku fashilmay in ay ka faa’iidaystaan waxana ay bar-baro la galeen kooxda Man United.

Supercomputer ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta premier League kadib markii ay dhamaan kooxaha tartamaya dhibco lumiyeen.

Supercomputer ayaa Liverpool u saadaaliyay ku guulaysiga premier League iyada oo Reds loo saadaaliyay in ay ku qaadi doonto horyaalka 87.24 dhibcood.

Waxa ku xigta kooxda Arsenal oo loo saadaaliyay kaalinta 2-aad iyada oo loo saadaaliyay 78.14 dhibcood halka Man City loo saadaaliyay kaalinta 3-aad isla markaas 69.53 loo saadaaliyay.

Halkan Kaga Bogo saadaasha Supercomputer ee 4-ta koox ee ugu sareeya:

Position

Team

Expected points

1.

Liverpool

87.24

2.

Arsenal

78.14

3.

Man City

69.53

4.

Chelsea

68.77

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga