Sporting Lisbon Oo Ka Hadashay Mustaqbalka Gyokeres

Madaxweynaha Sporting CP Frederico Varandas ayaa ku adkeysanaya in kooxda aan lagu qasbi doonin in ay aqbasho lacag jaban si ay u iibiso xiddiga Viktor Gyokeres.

Manchester United iyo Arsenal ayaa xiiseynaya saxiixa weeraryahankan cajiibka ah, kaasoo dhaliyay 97 gool 102 kulan uu saftay tan iyo markii uu uga soo biiray Coventry 2023.

Wararka ka imanaya Portugal ayaa sheegaya in Gyokeres uu ku hanjabayo in uu shaqo joojin samayn doono iyada oo ay jirto in Sporting ay sare u qaaday qiimaha ay ku iibinayso.

27-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 85 milyan euro, laakiin waxaa la sheegay in kooxda reer Portugal ay aqbali doonto 60 milyan euro.

Taasi waa sababta Gyokeres uu heshiis afka ah la galay Sporting kaas oo u oggolaanaya inuu ku boxo qiimo aad u yar kadib markii uu ogolaaday in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, calaamaduhu waxay muujinayaan in kooxdu ay aqbali doonto ku dhawaad ​​​​70 milyan.

Varandes ayaa hadda ka hadlay dadaal uu ku doonayo inuu ku soo bandhigo xaqiiqada iyada oo ay jiraan warar la Isla dhexmarayo.

Varandas ayaa yiri: “Waxaan isku dayay inaan qaato fasax seddex maalmood ah, waxaan soo laabtay shalay, waxaan arkay macluumaad badan iyo macluumaad lid ku ah oo kaliya inay sax tahay inaan imaado oo aan sharaxo sida ay wax u jiraan”.

“Tani waxay bilaabatay sanadkii hore, dhamaadka xilli ciyaareedka, Sporting waa horyaalka qaranka, suuqa kala iibsiga waxaan ku aragnay inuu sii joogi doono sababtoo ah wax dalab ah ma imaanin, wakiilku wuxuu nagula hadlay inaan ku darno qodobbada qaar, Hugo Viana wuxuu maamulay xiriirka wakiilada sida uu had iyo jeer u sameeyo, si wanaagsan ayuuna u sameeyay, xiriirkan waxaa la sameeyay agaasimaha isboortiga”.

“Waxa aan la kulanay wakiilka Gyokeres waxana aan u sheegnay in uu 27 Sano noqon doono xagaaga, Horyaalka Portugal ciyaartoyada 27 jirka ah waxa ay kaga tagaan 90 ilaa 100 milyan”.

“Wakhtigaas wakiilku waxa uu doonayay in uu lacag gaar ah ku xidho bixitaankiisa, laakiin waxa aan u sheegay in aan taas la samayn sababta oo ah ma garan karno waxa dhici doona”.

“Ma garanayo inay noqon doonto 40, 60, ama 80. Waxa aan dammaanad qaadi karo ayaa ah inaanan dalban doonin 100 milyan oo Yuuro (£85m)”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga