Spain oo sii wadata Guulaheeda aan caadiga aheyn & Yamal oo Wacdaro dhigtay …..

0

Xulka Spain ayaa sii watay guulihiisa kadib markii uu 3-1 kaga adkaaday Czech Republic, kulan ka tirsanaa wareegga 3-aad ee UEFA Nations League oo sabtidii lagu ciyaaray garoonka Carlos Tartiere ee Oviedo.

Lamine Yamal ayaa Spain hogaanka u dhiibay daqiiqaddii 6-aad, isagoo mar kale muujiyay tayadiisa iyo saameyntiisa uu ku leeyahay xulka qaranka.

Advertisment

Rodri ayaa daqiiqaddii 35-aad dhaliyay goolka labaad, halka Czech Republic ay qeybtii labaad ka timid oo Jeri uu daqiiqaddii 69-aad dhaliyay goolkooda kaliya, Spain ayaa goolka saddexaad heshay daqiiqaddii 89-aad, waxaana u dhaliyay Mikel Merino, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-1.

Czech Republic ayaa sidoo kale ciyaarta ku dhammeystay 10 ciyaaryahan kadib markii Ladislav kaarka cas qaatay daqiiqaddii 85-aad, Guushan waxay Spain siisay 9 dhibcood, iyadoo hoggaanka u qabatay Group C, halka Czech Republic ay saddex kulan kadib weli tahay dhibco la’aan.

Tababare Luis de la Fuente ayaa qeybtii dambe sameeyay shan beddel, isagoo ciyaarta kusoo daray Mikel Merino, Víctor Muñoz, Fermín López, Yeremy Pino iyo Martín Zubimendi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here