Sidee Ayuu Saxiixa Mbappe U Saamayn Doonaa Qorshaha Real Ee Saxiixa Davies Iyo Endrick.

Relevo ayaa ku warameysa in sheekadii Kylian Mbappe ay ku dhowdahay inay dhammaatay iyadoo xiddiga reer France uu ugu dambeyntii u saxiixi doono Real Madrid xagaagan.

Waxa ay sidoo kale ku andacoonayaan in imaatinka weeraryahanka PSG uusan waxba ka bedeli doonin qorshaha suuqa kala iibsiga ee Kooxda Real Madrid.

Waxay wali awoodi doonaan inay la soo wareegaan Alphonso Davies halka Endrick uu ku biiri doono kooxda koowaad xagaaga, sidii hore loo qorsheeyay.

Madrid waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan dhaqaale ahaan waxayna lacag ku bixin kartaa xiddiga reer Canada ee Alphonso Davies suuqa xagaaga.

Los Blancos ayaan doonayn in ay xiddiga Alphonso Davies ka bixiyaan lacago ka bad-badis ah laakiin waxa ay diyaar u yihiin in ay ku bixiyaan 40 milyan oo euro.

Kooxda ayaa aaminsan in imaatinka Mbappe uu faa’iido u yeelan doono Endrick. Laacibka reer Brazil ayaa qasab ku noqon doona inuu la qabsado xoojinta horyaalka, xiddiga reer France ayaana cadaadiska ka qaadi doona xilli ciyaareedka ugu horeeya ee da’yarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga