Shaxda Isku Dhafka Ah Ee England Vs Brazil Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Caawa.

Xulalka England iyo Brazil ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan kulamada caalamiga ah ee fasaxa xulalka.

Labada xul ayaa ka mid ah xulalka ugu fiican adduunka marka la qiimeeyo qaab ciyaareedka xiddigaha ay ku hubaysan yihiin.

Ka Hor kulankooda caawa shabakada Livescore ayaa soo xulatay shaxda isku dhafka ah ee labada xul.

Xulka England ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig oo xulka England ah.

Dhinaca kale xulka Brazil ayaa shaxda ku leh kaliya 3 xiddig kuwaas oo kala ah Marquinhos, Alisson iyo Vini Jr.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga