Shaxda Ay Man United Kaga Hor Iman Karto Bournemouth

Manchester United ayaa laga yaabaa inay weyso ilaa 10 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah kulanka ay la ciyaarayso kooxda Bournemouth kulan ka dhici doona garoonka Vitality Stadium.

Red Devils ayaa xaqiijisay in Raphael Varane uu garoomada ka maqnaan doono dhowr isbuuc ka dib dhaawac muruqa ah, halka Jonny Evans uu ku maqan yahay “arrin muruqa ah oo waqti gaaban ah”.

labada ciyaaryahanna ayaa dhaawac kula biiray Lisandro Martinez (kubka), Victor Lindelof (muruqa). Luke Shaw (muruqa), Tyrell Malacia (jilibka) iyo Anthony Martial (gumaarka) qolka daaweynta.

Ten Hag ayaa doonaya in ay kooxdiisu gaadho guulo ka caawisa in ay sii wado tartanka ay ugu jirto kaalmaha champions League.

Halkan Kaga Bogo shaxda ay United kaga hor tagi karto Bournemouth:

Onana; Dalot, Kambwala, Maguire, Wan-Bissaka; Casemiro, Mainoo; Antony, Fernandes, Garnacho; Hojlund

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga