Shaxda Ay Liverpool Ku Ciyaari Doonto Xilli Ciyaareedka Dambe Hadii Uu Ruben Amorim Noqdo Tababaraha Cusub Ee Kooxda.

Tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim ayaa ah tababaraha ugu cadcad in uu Jurgen Klopp ka badalo Liverpool.

Liverpool ayaa wali ku guda jirta raadinta badalka tababare Klopp iyada oo lala xidhiidhinayo tababarayaal badan oo kala duwan.

Tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa ugu cad-cadaa in uu badalo Klopp marka loo eego in uu Halyeey ka yahay kooxda Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Alonso ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono Leverkusen xilli ciyaareedka soo socda horaantii isbuucaan, maalmo ka hor inta uusan 13 dhibcood ku hogaamineynin hogaanka horyaalka ka dib guuldaradii Bayern Munich ka soo gaartay Borussia Dortmund.

Warbixino badan ayaa soo jeedinaya in Liverpool ay si fiican uga warqabtay ujeedooyinka Alonso xilli ay raadinayeen tababarahooda badali doona Klopp.

Tababare Ruben Amorim ayaa ku ciyaara shaxda 3-4-3 waana shax ayna Liverpool ku ciyaarin muddo 9 sano ah intii uu Klopp joogay kooxda.

Liverpool's potential line up under Ruben Amorim

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga