Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Wolves, Premier League.

Arsenal ayaa ka walaacsan aalada Myles Lewis-Skelly iyo William Saliba kulanka Wolves.

Saliba ayaa dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay Arsenal, halka Lewis-Skelly uu ka maqnaa kulankii arbacada ee Dinamo Zagreb xanuun jilibka ah.

Mikel Arteta, si kastaba ha ahaatee, wuxuu xaqiijiyay subaxnimadii jimcaha in midkoodna uusan ahayn dhaawac halis ah oo xitaa laga yaabo inay ka mid noqdaan kooxda kulanka Wolves.

Arteta ayaa wajahaya dhibaato dhanka xulashada ah hadii Saliba uu garoomada ka maqnaado Iyo cida uu u dooran doono ka garab ciyaarista Gabriel.

Halkan Kaga Bogo shaxda ay Arsenal kaga hor tagi karto kulanka:

Raya; Partey, Timber, Gabriel, Zinchenko; Odegaard, Rice, Merino; Martinelli, Havertz, Trossard

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga