Tababaraha xulka Argentina, Lionel Scaloni, ayaa ka hadlay mustaqbalka funaanadda lambarka 10-aad iyo cidda hoggaamin doonta xulka kadib markii Lionel Messi uu go’aansaday inuu soo gabagabeeyo waayihiisa ciyaareed ee heerka caalamiga ah.
Messi ayaa ka qeyb galay Koobkii Adduunka 2026 ee lagu qabtay Mareykanka, Canada iyo Mexico, iyadoo Argentina ay gaartay finalka, balse ay guuldarro kala kulantay Spain.
Messi ayaa horey u shaaciyay inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, waxaana la filayaa inuu ciyaari doono kulankiisa sagootinta Argentina bisha October.
Scaloni ayaa sheegay in lambarka 10-aad aan loo dhiibin ciyaaryahan kale inta lagu guda jiro kulamada soo socda, ilaa laga gaaro kulanka sagootinta Messi.
Wuxuu sheegay: “MA JIRTO QASAB AH IN CIYAARYAHAN UU XIRTO LAMBARKA 10-AAD KULAMADAN, SIDAAS DARTEED CIDNA MA SIIN DOONNO ILAA KULANKA MESSI.”
Taasi waxay ka dhigan tahay in lambarka 10-aad uusan xiran doonin ciyaaryahan kale kulanka Argentina ay la ciyaari doonto Bolivia, iyo sidoo kale kulanka Burkina Faso.
Scaloni ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la go’aamin ciyaaryahanka mustaqbalka qaadan doona lambarka Messi:- “waxaan arki doonnaa cidda heli doonta mustaqbalka, weli go’aan kama gaarin.”
Scaloni ayaa sidoo kale magacaabay ciyaartoyda hoggaanka u qaban doona Argentina kadib Messi iyo Nicolás Otamendi, Wuxuu sheegay in Cristian Romero uu noqon doono kabtanka koowaad, ama Emiliano Martínez uu noqon doono kabtanka labaad, amaLautaro Martínez uu noqon doono kabtanka saddexaad.
Scaloni ayaa sidoo kale amaanay Messi, isagoo sheegay in uusan waligiis arag ciyaaryahan saameyn la mid ah mida Messi ku yeeshay gudaha iyo bannaanka garoonka, Tababaraha ayaa sheegay in Argentina aysan raadinayn hal hoggaamiye oo keliya, balse ay haysato ciyaartoy badan oo awood u leh inay hoggaan qaataan, iyadoo kooxdu isku dayi doonto inay si wadajir ah u buuxiso booska iyo saameynta uu Messi ka tagayo.
Dhanka kale, Scaloni wuxuu sheegay inuu weli doonayo inuu sii wato shaqada tababarenimo ee xulka Argentina, balse wuxuu xusay inuu u baahan yahay inuu si wanaagsan uga fiirsado arrimaha la xiriira dhinaca ciyaaraha ka hor inta uusan go’aan rasmi ah ka gaarin mustaqbalkiisa.

