Lamine Yamal oo kahadlay rajadiisa kubada dahabka & Codeynta laacibiinta ….

0

Ciyaaryahanka Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, ayaa ka hadlay qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee kulankii Croatia, halkaas oo uu labo gool ka dhaliyay, isagoo sidoo kale ka hadlay tartanka Ballon d’Or, Spain ayaa 4-1 kaga adkaatay Croatia ciyaar ka tirsanayd wareegga labaad ee heerka group-yada UEFA Nations League, waxaana Yamal uu labo jeer shabaqa ku hubsaday goolhaye Dominik Livaković, oo ay isku kooxda yihiin Barcelona.

Yamal ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ay tahay in ciyaarta si feejignaan iyo diirad sare leh loo bilaabo:- “Waa inaad ciyaarta bilowgeeda ka soo gashaa adigoo si weyn u feejigan, wax walbana dhinaceena ayay u socdaan.”

Advertisment

Isagoo ka hadlayay goolkii uu ka dhaliyay Livaković ee uu kubadda kaga dhaliyay dhinaca u dhow goolka, Yamal wuxuu sheegay inuu si fiican u yaqaan goolhayaha, maadaama ay wada tababartaan Barcelona:- “Si fiican ayaan uga aqaan tababarrada. Waxaan maskaxda ku hayay waxa uu inta badan sameeyo, ugu dambeyntiina kubaddii waxay gashay goolka.”

Yamal ayaa sidoo kale sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin taageerada iyo jawiga ka jira Sevilla, Wuxuu sheegay in Spain ay muddo dheer raadineysay inay ku guuleysato Koobka Adduunka, isla markaana ay ku faraxsan yihiin inay guulaha iyo koobabka u keenaan taageerayaashooda.

Markii la weydiiyay haddii bandhiggiisa Croatia uu yahay caddeyn kale oo xoojinaysa fursaddiisa Ballon d’Or, Yamal ayaa isagoo dhoola caddeynaya ku jawaabay:- “Caddeyn kale, waa guul kale oo lagu daray wixii aan horay u sameeyay.”, Laakiin Yamal wuxuu caddeeyay inuusan garoonka u gelin oo keliya sidii uu ugu guuleysan lahaa Ballon d’Or.

“Uma ciyaaro oo keliya inaan ku guuleysto Ballon d’Or. Waxaan u ciyaaraa naftayda iyo taageerayaasha, waxaana doonayaa inaan sii wado guulaha”, Markii la weydiiyay inuu dareemayo inuu ku sii dhowaanayo abaalmarinta, wuxuu ku jawaabay:

“Ma aqaan, anigu codbixinta kama qaybqaato.” ayuu yiri waxa uu intaasi raaciyey “Hal daqiiqo ayay wax walba ku is beddeli karaan” , Yamal ayaa ugu dambeyn fariin u diray dadka sida joogtada ah u qiimeeya qaab ciyaareedkiisa, Wuxuu xusay in bil ka hor lagu dhaliilayay hoos u dhac ku yimid heerkiisa, balse hadda xaaladdu is beddeshay.

“Bil ka hor waxaad dhahayseen heerkeygu wuu hoos u dhacay, waana ogahay inaad mar kale sidaas dhihi kartaan daqiiqad kasta. Anigu waan degganahay.” , Sidaas darteed, labo goolkii uu Croatia ka dhaliyay ayaa Yamal u noqday bandhig kale oo uu ku muujiyay awooddiisa, iyadoo indhaha lagu hayo doorkiisa Spain iyo tartanka Ballon d’Or.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here