Sancho Oo Talaabo Uu Qaaday Ku Kala Cadeeyay Mustaqbalkiisa

Xiddiga jadon sancho ayaa lagu Soo waramayaa inuu iibsaday guri ku yaal Greater Manchester Oo ku kacaya 3.8 milyan isaga isku diyaarinaya in uu ku Soo laabato man United xilli ciyaareedka dambe.

24-sano jirkaan ayaa amaah ugu soo laabtay Borussia Dortmund bishii January, waxaana uu haatan isku diyaarinayaa inuu matalo kooxda Jarmalka finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid.

Heshiiska amaahda ee Sancho ee Dortmund wuxuu dhacayaa xagaagan, si kastaba ha ahaatee, sida uu hadda yahay, wuxuu dib ugu laaban doonaa kooxda Man United.

Dortmund ayaa doonaysa in ay xiddiga si toos ah ula wareegto xiddiga 24 jirka ah laakiin United ayaa dalbanaysa lacag dhan 59 milyan Oo Euro si ay u fasaxdo xiddiga.

Sida laga soo xigtay The Sun, Sancho waxa uu iibsaday guri shan sariirood leh oo u dhow guriga tababaraha Red Devils Erik ten Hag, iyadoo weeraryahanka uu u muuqdo mid ku Soo laabanayo Old Trafford.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga