SAGAAL Jeer Oo Mohamed Salah Uu Caddeeyey Inuu Yahay Shaqsi Fiican Iyo Hoggaamiye Dabiici Ah – Muxuu Sameeyey?

Mohamed Salah waxa uu ka mid yahay xiddigihii ugu fiicnaa taariikhda Liverpool, marka laga eego guulaha uu la gaadhay, goolasha uu dhaliyey, caawinta uu sameeyey iyo saamaynta uu ku lahaa Anfield tan iyo markii uu yimid sannadkii 2017.

Xiddiga reer Masar oo sidoo kale lagu tilmaamo inuu ka mid yahay ciyaartoydii ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League lixdii sannadood ee uu joogay Liverpool, ayaa waxa xilli-ciyaareedkan aynu ku jirno oo kaliya uu Reds u saftay 19 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu ka qayb-qaatay 18 gool oo intooda badan uu dhaliyey, inta kalena caawiyey.

Bannaanka garoonka, ayaa uu sidoo kael Mohamed Salah ku muujiyey in aanu kaliya ahayn ciyaartoy fiican, balse uu yahay shaqsiyad wanaagsan oo Muslim ah oo dadnimadiisa iyo damiirkiisu shaqaynayaan, isla markaana taakulaynta dadka iyo dhiirigelintuba ka go’an tahay.

Sagaal arrimood oo uu Mohamed Salah sameeyey, ayaa lagu sheegay in ay muujiyeen dadnimadiisa iyo shaqsiga uu yahay, kuwaas oo qaarkood layaab kugu ridayaan.

1. Sagaal saacadood ayuu u safri jiray garoonka tababarka

Markii ay da’diisu ahayd 13 jir, Mohamed Salah waxa uu ku biiray kooxda Al Mokawloon oo horyaalka waddanka Masar ah, waxaana garoonka kooxda iyo tuulada uu deggen yahay ay isku jireen 82 mile. Waxa uu iskuulka tegi jiray 7da subaxnimo, marka uu laba saacadood ku jirana waxa uu masaafo hal mayl ah u lugayn jiray halka laga raabo baska oo uu u raaci jiray bas tegaya magaalada Basyoun, kaddibna uga sii gudbi jiray bas kale oo teaya Tanta oo uu haddana uga sii wareeji jiray magaalada Qaahira ee ay ka dhisan tahay kooxda Al Mokawloon oo uu ku yaallo garoonka tababarka Nasr City.

Matrka la isku geeyo saacadaha uu sii socdo iyo inta uu kasoo socdo garoonka tababarka, waxay noqon jireen sagaal saacadood oo safar ah.

2. Tuuggii aabbihii dhacay oo uu lacag siiyey

Markii ay Salah da’diisu yarayd, waxay jiray tuug aabbihii ka xaday 30,000 lacagta Masar ah oo u dhigmaysay £1,400 Gini. Waxa uu tuuggani jabiyey baabuurka Salah aabbihii, kaddibna lacagta ayuu ka qaatay.

Markii ay boolisku soo qabteen tuugga, Mohamed Salah ayaa ku qanciyey aabbihii in aanu tuugga wax dembi ah ku oogin oo uu iska cafiyo, kaddibna waxa uu tuugga siiyey lacag uu noloshiisa ku dhisto oo ka caawiso inuu joojiyo tuugannimada.

Toddobada arrimood ee kale ayaa kala ah, in uu caawiyey nin hoy la’aan ah oo uu ku arkay kaalin shidaal uu ka iibsanayay, kaddib ciyaar ay 3-0 ku garaaceen Arsenal, in waqtigii Korona Fayraska uu lacagta shidaalka baabuurta ka bixiyey dad badan oo danyar ahaa, in wiil da’yar ah oo sanka wax kaga dhuftay uu caawiyey, in uu qolka labbiska ku booqday ciyaartoyda Kenya, isla markaana shaadhkii uu ku ciyaaray kulankaas uu siiyey Kenneth Muguna.

Waxa kale oo uu carruurta da’yarta ah ee uu waddooyinka ku arko uu siiyaa garankiisa marka uu kasoo baxo garoonka Anfield amaba garoonka tababarka, waxa uu lacago badan siiyaa hay’adaha gargaarka ee Masar iyo ciyaartoyda kasoo horjeedda oo aanu kala masuugin in uu u beddelo garanka xataa haddii ay ciyaarta dhaxdeeda si adag ugu xafiiltamaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga