Kooxda Barcelona ayaa xiiso dhab ah u muujisay weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, iyadoo ay jiraan saddex arrimood oo suuragelin kara inuu mustaqbalka xirto funaanadda kooxda reer Catalonia.
Warbixin uu qoray saxafiga reer Spain ee José Álvarez ayaa sheegaysa in Barcelona ay si dhab ah uga fiirsanayso inay la soo saxiixato weeraryahanka reer Norway, haddii ay hesho fursad ku habboon oo ay heshiiska ku dhammeystiri karto.
Haaland oo 26 jir ah ayaa ka mid ah weeraryahannada ugu magaca weyn kubadda cagta adduunka, waxaana Barcelona ay u aragtaa xiddig ku habboon inay ku xoojiso booska weerarka dhexe, gaar ahaan suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.
Saddexda arrimood ee Haaland ku xiriirinaya Barcelona:
1. Rabitaankiisa ah inuu ka ciyaaro horyaalka Spain
Haaland ayaa la sheegay inuu doonayo inuu mustaqbalka tijaabiyo kubadda cagta Spain, taasoo Barcelona siinaysa fursad ay ku qanciso weeraryahanka.
Xiddiga Manchester City ayaa hore booqasho ugu tagay xarumaha tababarka ee Barcelona iyo Real Madrid, taasoo sii xoojisay wararka la xiriirinaya inuu xiisaynayo inuu maalin uun ka ciyaaro La Liga.
2. Xiriirka wakiilkiisa iyo Joan Laporta
Arrinta labaad waa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Rafaela Pimenta, oo ah wakiilka Haaland, iyo madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta.
Xiriirkaas ayaa la rumeysan yahay inuu faa’iido u yeelan karo wada-hadallada mustaqbalka, haddii Barcelona ay go’aansato inay si rasmi ah u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka reer Norway.
3. Xaaladda haatan ee Manchester City
Arrinta saddexaad waxay la xiriirtaa xaaladda Manchester City iyo mustaqbalka kooxda, taasoo warbixintu ku tilmaantay qodob kale oo saameyn ku yeelan kara go’aanka Haaland.
Barcelona ayaa dhinaceeda qorsheynaysa inay suuqa xagaaga raadiso weeraryahan lambarka 9-aad ah, kaddib markii ay ku guuldarreysatay inay la soo saxiixato Julián Álvarez suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.
Heshiiskiisa Manchester City ayaa caqabad ah
Inkasta oo ay jiraan saddexdan arrimood, haddana heshiiska Haaland ee Manchester City ayaa ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan Barcelona.
Weeraryahanka reer Norway ayaa heshiis waqti dheer ah kula jira Manchester City, kaasoo soconaya illaa 2034, taasoo kooxda reer England siinaysa awood xooggan oo ay ku maareyn karto wada-hadal kasta oo ku saabsan mustaqbalkiisa.
Sidaas darteed, Barcelona waxay u baahan doontaa qorshe dhaqaale oo weyn haddii ay doonayso inay hesho saxiixa mid ka mid ah weeraryahannada ugu tayada sarreeya kubadda cagta adduunka.

