Sababta Ay Man United Ugu Fashilantay Saxiixa Harry Kane Oo La Ogaaday.

Rumayso ama ha rumaysan, Man United ayaa dagaaal in ayna ka hadhin premier league xilli ciyaareedka.

Red Devils ayaa u baahan goolasha Harry Kane xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay ka dooratay Rasmus Hojlund kaas oo ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka.

Macalinka xiga ee kooxda Harambee Stars Benni McCarthy ayaa shaaca ka qaaday sababta ay kooxdu ugu guuldareysatay saxiixa kabtanka England.

Weeraryahankii hore ee Tottenham Hotspur ayaa ahaa mid ka mid ah bartilmaameedyada Man United xagaagii 2023.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ugu biiray Bayern Munich 95 milyan euro.

Xiddiga reer England ayaa dhaliyay 73 gool 75 kulan oo uu u saftay Germany waxana uu ku guulaystay kabta dahabka ah ee Bundesliga xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

McCarthy ayaa Man United tababare u ahaa laba xilli ciyaareed intii u dhaxaysay 2022 ilaa 2024.

Waxa uu sheegay in kooxdu go’aansatay in ayna kooxdu la soo saxiixan Harry Kane.

“Xagaagii 2023, Harry Kane waxa uu ahaa bartilmaameedkayaga No.1,” ayuu ku yidhi.

“Sababta oo ah waxa uu Tottenham uga Tagi lahaa Man United laakiin lacag dheeri ah ayaa lagu daray taasina sida aad ogtahay way adagtahay in qiimahaas Laga bixiyo xiddig 30 sano jir ah”.

“Harry Kane, aniga ahaan waxa uu ahaa xiddig dhamaystiran Laakiin nasiib darro, kooxdu ma aysan arkin sidaas. Waxay doorteen Rasmus Hojlund oo mustaqbal leh”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga