Sirdoonka macmalka ah ee AI ayaa saadaal ka bixiyay ciyaaryahanka ku guuleysan kara abaalmarinta Ballon d’Or 2026, iyadoo xafladda abaalmarintan lagu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Sida uu qoray wargeyska Sport, saadaashan ayaa lagu saleeyay arrimo ay ka mid yihiin guushii xulka Spain ee Koobka Adduunka iyo waxqabadka ciyaartoyda xilli ciyaareedkii hore.
AI-ga ayaa xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal u doortay inuu yahay musharraxa ugu sarreeya ee ku guuleysan kara Ballon d’Or, isaga oo tixgeliyay guushii Spain ee Koobka Adduunka iyo kaalintii uu ka qaatay hanashada horyaalka La Liga ee Barcelona.
Saadaashan ayaa Harry Kane oo ka tirsan Bayern Munich gelisay kaalinta labaad, halka Rodri uu galay kaalinta saddexaad.
Waxaase yaab noqotay in Lionel Messi, oo ka mid ah xiddigaha waaweyn ee kubadda cagta, iyo Kylian Mbappé oo u ciyaara Real Madrid aan lagu darin saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya saadaasha AI-ga. Mbappé ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guuldarreystay inuu Real Madrid kula guuleysto koobab waaweyn, taas oo warbixintu ku sheegtay sabab ka mid ah saadaasha isaga hoos loogu dhigay.
Saadaasha abaalmarinnada kale
-
Ballon d’Or: Lamine Yamal – Barcelona.
-
Kaalinta labaad: Harry Kane – Bayern Munich.
-
Kaalinta saddexaad: Rodri – Barcelona, sida ay warbixintu sheegtay.
-
Kopa Trophy: Pau Cubarsí – ciyaaryahanka da’da yar ee ugu wanaagsan.
-
Goolhayaha ugu wanaagsan: Unai Simón – Athletic Bilbao.
-
Gooldhaliyaha ugu wanaagsan: Harry Kane.
-
Tababaraha ugu wanaagsan: Luis de la Fuente – xulka Spain.
-
Kooxda ugu wanaagsan: Paris Saint-Germain.
Xafladda Ballon d’Or 2026 ayaa lagu qabanayaa masraxa London Palladium, kaddib markii xafladdii sannadkii hore lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

