Jamie Carragher ayaa ku baaqay in Manchester United ay shaqada ka erido Michael Carrick, isla markaana ay isku daydo inay tababare Unai Emery kala soo wareegto Aston Villa.
Hadalka Carragher ayaa yimid kaddib markii United Axaddii 3-0 looga adkaadat iyadoo Old Trafford joogta. Guuldarradaasi waxay kooxda kaga tagtay kaalinta 16-aad ee Premier League, iyadoo hal dhibic oo keliya ka sarreysa aagga loogu laabto heerka labaad.
United ayaa sidoo kale laga reebay Carabao Cup, halka ay guuldarro kala kulantay laba ka mid ah saddexdii kulan ee Champions League.
“Manchester United waa inay caawa isbeddel sameysaa. Carrick waa in xilka laga qaadaa, danta kooxda iyo tiisaba,” ayuu Carragher ka yiri Sky Sports.
Wuxuu sheegay in taageerayaashu ay difaacayaan Carrick maadaama uu yahay halyeey kooxda u soo ciyaaray, balse natiijooyinka hadda jira aan la aqbali karin.
Carragher ayaa sidoo kale ku boorriyay milkiilayaasha United ee INEOS inay Emery u doortaan tababaraha cusub.
“Emery waa tababaraha ugu fiican Premier League, sida aan anigu u arko,” ayuu yiri Carragher, isaga oo intaas ku daray in tababaraha reer Spain uu doonayo inuu guulo waaweyn ka gaaro Champions League.
Si kastaba, Sky Sports ayaa 25-kii Oktoobar sheegtay in Emery ay weli ka go’an tahay inuu sii hoggaamiyo mashruuca Aston Villa, taasoo adkeyn karta isku day kasta oo United ay ku dooneyso inay ku hesho.

