Ruben Amorim Oo Ka Fal Celiyay Dhaawaca Leny Yoro 10 Maalin Ka Hor Final-ka Europa League.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ruben Amorim ayaa u xaqiijiyay taageerayaasha xaalada daafaca dhexe ee Leny Yoro ka dib markii uu dhaawac uga baxay kulankii Axadii.

Yoro ma helin taam ahaansho nadiif ah tan iyo xagaagii hore oo uu lacag badan uga soo wareegay Lille, isagoo dhaawac weyn ka soo gaaray cagta ka hor bilaabashadii xilli ciyaareedkan.

Da’da yar ee Faransiiska ah ayaa sidoo kale seegay ciyaaraha bishii March sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Laakiin waxaa jira rajooyin aad u weyn oo laga filayo da’yarka isaga oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Man United xilli ciyaareedka.

Waxaa jiray walaac la fahmi karo markaas, markii Yoro lagu bedelay Harry Maguire kulankii Premier League ee West Ham United oo kaliya dhowr daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad.

“Waxaan rajeyneynaa inaysan ahayn mid aad halis u ah,” Amorim ayaa u sheegay Sky Sports

“Ma doonayo in aan wax badan sheego laakiin malaha wax weyn maaha,” ayuu hadalkiisa raaciyay”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga