Roy Keane Oo Magacaabay Kooxda Guulaystay Kadib Kulankii Arsenal Iyo Man City.

Halyeeyga kooxda Man United ee Roye Keane ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee guulaystay kadib bar-barihii ay galeen Man City iyo Arsenal.

Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku kala baxay bar-baro 0/0 ah iyaga oo aan wax gool ah kala dhalin kulan ka dhacay Etihad.

Liverpool ayaa ka hor kulankaas ka badisay kooxda Brighton iyaga oo hogaanka u qabtay laba dhibcood oo cadaan ah.

Kadib dhamaadkii ciyaarta Keane ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee guulaystay kadib bar-barihii Arsenal iyo Man City.

“Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay tahay kooxda guulaystay maanta kadib bar-barihii Arsenal iyo Man City”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Liverpool haatan 3 dhibcood ka horayso Man City halka ay 2 dhibcood ka horayso kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga