Ronaldo oo dharbaaxadii ugu horeysay ku dhuftay Xulka Portugal & khasaaraha Xulka soo gaaray

0

Xisaabta rasmiga ah ee xulka qaranka Portugal ee Instagram-ka ayaa lagu soo warramayaa inay lumisay in ka badan 1 milyan oo taageerayaal ah, muddo 24 saacadood gudahood ah kadib markii Cristiano Ronaldo uu ka baxay xerada xulka.

Ronaldo ayaa xerada Portugal ka baxay Arbacadii, iyadoo arrintan ay timid kadib hadallo uu tababare Jorge Jesus ka sheegay Ronaldo iyo go’aankiisa ciyaareed, Kahor bixitaankiisa, xisaabta Portugal waxay lahayd qiyaastii 24.9 milyan oo followers ah, balse tirada ayaa hoos ugu dhacday 23.8 milyan, sida lagu sheegay warbixinta.

Advertisment

Ronaldo ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka tago xerada kadib wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal, isagoo ballanqaaday inuu mustaqbalka shacabka Portugal u sharxi doono sababta dhabta ah ee uu uga baxay xulka.

Dhanka kale, Piers Morgan, oo xiriir shaqsiyeed la leh Ronaldo, ayaa sheegay in sababta bixitaankiisu aysan ahayn oo keliya wixii la sheegay, isagoo tilmaamay in Ronaldo uu arrinta faahfaahin doono marka uu isagu ka hadlo, Arrin kale oo xusid mudan ayaa ah in lambarka 7-aad ee Ronaldo si degdeg ah loo siiyay Rafael Leão, kaasoo xirtay kulankii Portugal ay 4-2 kaga adkaatay Denmark.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here