Ronaldinho oo Messi u diray fariin qiiro leh: “Adiga ayaa ah kan ugu fiican !”

0

Halyeeyga kubadda cagta Brazil, Ronaldinho, ayaa fariin xambaarsan xushmad iyo saaxiibtinimo u diray xiddiga reer Argentina Lionel Messi, Ronaldinho ayaa Messi ugu hambalyeeyay marxaladda uu ku jiro, isagoo u rajeeyay nolol wanaagsan iyo guulo joogto ah.

“Ku raaxayso nolosha, walaalkay. Waxaan kuu rajaynayaa wanaag oo dhan, maanta iyo mar walba. Adiga ayaa ah kan ugu weyn!” ayuu Ronaldinho ku yiri fariintiisa.

Advertisment

Labada ciyaaryahan ayaa xiriir dhow yeeshay intii ay wada joogeen Barcelona, xilli Ronaldinho uu ahaa mid ka mid ah xiddigihii ugu waaweynaa kooxda, halka Messi uu markaas ahaa ciyaaryahan da’yar oo bilaabay inuu si weyn uga dhex muuqdo kooxda koowaad.

Ronaldinho ayaa muddo dheer si cad u muujinayay qadarin uu u hayo Messi, waxaana fariintan ay mar kale muujisay xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya labada halyeey ee kubadda cagta, Messi, oo muddo dheer kamid ahaa ciyaartoyda ugu caansan kubadda cagta adduunka, ayaa sidoo kale Ronaldinho ku tilmaamay mid kamid ah ciyaartoydii saameynta weyn ku lahaa bilowgii xirfaddiisa Barcelona.

Fariinta Ronaldinho ayaa kusoo beegmaysa xilli Messi uu galay marxalad cusub oo xirfaddiisa iyo noloshiisa kubadda cagta ah, iyadoo taageerayaashiisa adduunka ay si weyn ula socdaan tallaabo kasta oo uu qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here