Xiddigii hore ee Argentina Ángel Di María ayaa si qiiro leh u sagootiyay saaxiibkiis Lionel Messi, kaas oo ciyaaraya kulankiisii ugu dambeeyay ee xulka Argentina. Di María ayaa sheegay inuu garoonka ka daawan doono kulanka Benin, isagoo yiri inuu Messi u sheegay inuu imaanayo, isla markaana uu ka daawan doono tarabuunka “sida dhammaan dadka reer Argentina.”
Di María ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Messi ku arko xaalad farxad iyo deggenaan leh, isagoo og inuu wax walba u huray xulka qaranka. “Waa inuu si buuxda ugu raaxaysanaya waqtigan, annagana waa inaan nolosheenna oo dhan uga mahadcelinnaa,” ayuu yiri.
Isagoo ka hadlayay xiriirkooda dheer, Di María wuxuu yiri: “Waxaan sharaf u leeyahay inaan sannado badan la joogay, tababar la qaatay Leo, isla markaana aan garab ciyaaray ciyaaryahanka ugu weyn taariikhda—Leo Messi.”
Di María ayaa sidoo kale xusay sannadkii ay si wadajir ah ugu ciyaareen Paris Saint-Germain, isagoo sheegay inuu aad u qiimeeyo saaxiibtinimada iyo waayo-aragnimadii ay wadaageen, Ugu dambeyn, Di María wuxuu taageeray go’aanka Messi ee ka fariisashada ciyaaraha caalamiga ah, isagoo yiri: “Wuxuu ciyaari karaa inta uu doono, laakiin waxaan aaminsanahay in go’aanka uu qaatay uu yahay tallaabada saxda ah.”

