
Rodrygo aabihiis iyo wakiilkiisa ayaa iska indhatiraya xiisaha Arsenal ka hor ololaha Real Madrid Club World Cup, sida ay wararku sheegayaan.
Gunners ayaa baadi goob ugu jirta xoojinta weerarka ka dib xilli ciyaareed kale oo koob la’aan ah, agaasimaha cusub ee isboortiga Andrea Berta ayaa u aqoonsaday Rodrygo inuu yahay mid ka mid ah bartilmaameedyada koowaad ee kooxda, iyadoo uu weheliyo xiddiga Athletic Bilbao Nico Williams.
Rodrygo ayaa la rumeysan yahay inuu ka niyad jabay doorkiisii Ciyaar la’aanta ee kooxda xilli ciyaareedkii hore taas shaki galisay mustaqbalkiisa kooxda.
Arsenal oo ka faa’iidaysanaysa xaalada ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto xiddiga reer Brazil suuqa xagaaga.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Arsenal ayaa sii wadi doonta inay si dhow ula socoto xaalada ka hor inta aan la gaarin dalab macquul ah.
Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in wakiilka xiddiga oo ah aabihiis uu iska indha-tirayo xiisaha Arsenal isla markaas uu diiday in uu wadahadalo galo Arsenal.
Be the first to comment