Robert Lewandowski Oo Sabab U Ahaa Shaqo Ka Caydhintii Xavi Ee Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa lagu Soo waramayaa in ay Xavi ku Caydhisay arin ku saabsan Robert Lewandowski.

Xavi ayaa bishii January Shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Laakiin maamulka kooxda ayaa wax Walba u sameeyay sidii ay ugu qancin lahaayeen in uu badalo go’aankiisa wuuna badalay go’aankiisa uu kaga tagay kooxda.

Laakiin Barcelona ayaa Shaqada Ka Caydhisay todobaadyo Kadib markii uu Go’aansaday in uu sii joogo kooxda.

Xavi ayaa doonayay in uu badalo weerarka kooxda isla markaas ciyaarsiiyo xiddigo da’yar ah.

Xavi ayaa doonayay in uu iska diro xiddiga Robert Lewanfowski maadama uuna ka mid ahayn qorshihiisa.

Laakiin maamulka Barcelona ayaan ku raacsanayn arintaas waxana ay Go’aansadeen in ay shaqada ka caydhiyaan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga