Rio Ferdinand: Saka Ma Ahan Xiddig Heer Caalami Ah, Halkan Ayaana Sabab U Ah.

Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka.

Saka ayaa wacdaro dhigaya horyaalka premier Legaue tan ilaa markii loo soo dalay kooxda 1-aad ee kooxda Arsenal.

Bukayo Saka ayaa laf dhabar u ah tartanka Arsenal ee horyaalka premier Legaue isaga oo door ka ah qaab ciyaareedka kooxda.

Rio Ferdinand Ayaan aaminsanayn in uu Saka yahay xiddig heer caalami ah maadama uuna qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigin tartanka champions League.

“Bukayo Saka ma ahan ciyaaryahan heer caalami ah, sababta oo ah qaab ciyaareed fiican kuma uusan soo bandhigin tartanka champions League”.

“Khalad ha ii fahmin, Saka waa ciyaartoy fiican laakiin wali Ma ahan heer caalami”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga