Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Final FA Cup-ka

Rio Ferdinand ayaa sheegay in aanu ‘kalsooni ku qabin’ fursadaha Manchester United ka hor finalka FA Cup-ka waxana uu rumaysan yahay in ay qaadan doonto ‘dadaal waali ah’ si ay uga badiso Manchester City.

Man United Ayaa ku jirta Wakhti adag iyada Oo ku dhamaystay kaalinta 8-aad ee kala Saraynta premier league.

Dhinaca kale kooxda difaacanaysa tartanka ee Man City ayaa kulanka Soo galaysa iyada kalsooni buuxda Kadib markii ay ku guulaystay horyaalka premier league.

Kooxda pep Guardiola ayaa sidoo kale kalsooni ka qaadan doonta in ay garaaceen man United Final-kii FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayuu cadaadis kale saaran yahay maadama ay ku qasbantahay in ay badiso si ay ugu Soo baxdo Europe League Xilli ciyaareedka dambe.

Ferdinand Oo ka hadlaya kulanka ayaa sheegay in ay Kooxdiisu u baahantahya nasiib Waali ah si ay ugu guulaysato Fa Cup-ka xilli ciyaareedkan.

“Marka aan Qiimeeyo labada Manchester iyo waxa aan ka arkay ilaa haatan wax kalsooni ah ma qabo”ayuu yidhi halyeeyga Man United.

“Waa markii ugu horaysay ee aan Aado a final Man United ciyaarayso Oo aan dareemo in ay Man United haysato fursad Aad u yar”.”

Farqiga u dhexeeya labada Kooxood ayaa ah midkii ugu weynaa ee aan arko, waxa aan galayaa kulanka aniga Oo aan wax kalsooni ah ka qabin kulakan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga