
Rio Ferdinand ma arki karo Arsenal oo ku guulaysata Champions League wuxuuna aaminsan yahay in ay jiraan 4 kooxood oo ka fiican.
Kooxda Mikel Arteta ayaa haatanba xaqiiqsatay u soo bixista wareega 8 dhamaadka champions League kadib markii ay 7/1 kaga badiyeen kooxda PSV.
Inkasta oo ay ku jirto qaab ciyaareed fiican Ferdinand ayaa u arka Arsenal inay tahay kaliya ‘kooxda shanaad ee ugu fiican’ dhanka isku aadka Champions League.
“Waxa aan qabaa in ay yihiin kooxda 5-aad ee ugu fiican Champions League”ayuu Ferdinand Yidhi.
Waxay ka dambeeyaan Liverpool, Real Madrid, Atletico Madrid iyo Paris Saint-Germain. Arsenal waa kooxda shanaad ee ugu fiican”ayuu yidhi.
Be the first to comment