Real Madrid Oo Tallaabo U Qaaday Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa Tallaabo u qaaday ku guulaysiga horyaalka La Liga kadib markii ay garaaceen kooxda Cadiz.

Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Cadiz kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa daqiiqadii 51-aad bilowday goolasha waxana u dhaliyay Brahim Diaz kaas oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.

Kooxda Ancelotti ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayaan in ku dilaan natiijada ciyaarta.

Daqiiqadii 68-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Jude Bellingham kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Juselu yaa daqiiqadii 90+3-aad dhaliyay goolka 3-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid ku gaadhay guul muhiim ah oo ay Tallaabo ugu qaaday ku guulaysiga horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga