Real Madrid Oo Taariikh Ka Sameeyay La Liga

Kooxda Real Madrid ayaa Dhigtay Rikoodh dhinaca nadaafada shabaqeeda Kadib markii ay sii wadatay Guulaha horyaalka La Liga ka dib markii ay 5-0 kaga badisay Alaves kulan ka tirsan horyaalka Spain.

Los Blancos ayaa ku guulaystay horyaalka La Liga todobaadkii hore waxana ay sidoo kale iska xaadiriyeen Final champion league.

Real Madrid ayaa 4-0 ku garaacday Granada horyaalka Sabtidii, ka hor inta aysan 5-0 ku garaacin Alaves Salaasadii, iyadoo Vinicius Junior uu labo gool u diiwaan geliyay, halka Jude Bellingham, Federico Valverde iyo Arda Guler ay sidoo kale shabaqa soo taabteen.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa haatan dhaaftay 20 kulan Oo ay shabaqeeda ilaashatay horyaalka La Liga 36 kulan Oo ay ciyaareen waana koodii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed taariikhda tartankan, iyagoo garaacay 19 kulan oo u dhexeeyay 1986-87, 1987-88 iyo 2019-20.

Los Blancos ayaa kaliya 22 gool laga dhaliyay horyaalka xilli ciyaareedkan iyada oo rekoodhka daafaceeda uu ka sii cajiibsan yahay marka loo eego in labada daafac dhexe ee Eder Militao iyo David Alaba ay muddo dheer dhaawacyo ku maqnaayeen, waxaana u sii dheer goolhayaha 1-aad ee Thibaut Courtois. .

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga