Real Madrid oo go’aan adag ka qaadaneysa laacib kamid ah safka kooxdeeda ?

0

Real Madrid ayaa go’aan muhiim ah ka gaaray mustaqbalka xiddiga da’da yar ee reer Turkey Arda Güler, iyadoo kooxda ay doonayso inay muddo dheer sii haysato ciyaaryahanka.

Sida ay qortay AS, Real Madrid ayaa heshiis la gaartay Güler oo ku saabsan in qandaraaskiisa la kordhiyo ilaa Juun 2031, iyadoo sidoo kale la kordhinayo mushaharkiisa.

Advertisment

Güler, oo 21 jir ah, ayaa haatan heshiis kula jira Real Madrid ilaa Juun 2028, balse kooxda ayaa doonaysa inay mustaqbalkiisa sii xaqiijiso kadib markii uu muhiimad ka dhex helay kooxda.

Tan iyo markii uu tababare José Mourinho yimid, Güler wuxuu shan jeer ku soo bilowday safka hore, isagoo helaya kalsooni dheeraad ah.

Mourinho ayaa horey u amaanay tayada Güler, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan leh aragti wanaagsan, go’aan qaadasho, hal-abuur iyo awood uu ciyaarta saameyn ugu yeesho.

Real Madrid ayaa sidaas ku doonaysa inay Güler ka dhigto mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee mustaqbalka kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here