Laacibkii hore ee Man utd oo kashifay dhibaatada daafaca Manchester United

0

Manchester United ayaa wajahaya dhibaato dhanka daafaca ah, iyadoo Danny Simpson, oo hore uga tirsanaa kooxda, uu sheegay in khaladaad aasaasi ah ay weli ka muuqdaan safka dambe ee kooxda, isla markaana arrintaasi aysan ahayn wax si fudud loo xallin karo xilli ciyaareedkan.

Simpson oo 38 jir ah, isla markaana hadda door ciyaaryahan-tababare ah uga howlgala Arabian Falcons ee Dubai, ayaa sheegay inuu xiriir joogto ah la leeyahay Jonny Evans, kaasoo qayb ka ah shaqaalaha tababarka ee Michael Carrick, Wuxuu sheegay in Evans uu tababarka daafacyada da’da yar, gaar ahaan Leny Yoro iyo Ayden Heaven, ku darayo casharro ku saabsan aasaaska daafaca sida kubadda oo la iska saaro, booska la ilaashado, safka kor loo riixo iyo in si degdeg ah dib loogu soo laabto.

Advertisment

Simpson, oo Manchester United kasoo baxay akadeemiyada, ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda daafacyada garbaha ka ciyaara. Wuxuu tilmaamay in Diogo Dalot iyo Noussair Mazraoui ay si liidata ku bilowdeen xilli ciyaareedka, halka kooxda ay hore u dareentay saameynta ka dhalatay inay xagaagii waayeen daafac bidix oo cusub.

Luke Shaw, oo xilli ciyaareedkii hore si wanaagsan u ciyaaray isagoo aan dhaawac weyn qabin, ayaa durba seegay saddex kulan xilli ciyaareedkan. Patrick Dorgu, oo markii hore Carrick u adeegsanayay garabka bidix ee weerarka, ayaa qasab loogu beddelay daafaca bidix.

Simpson wuxuu sheegay in Dorgu aan si buuxda loogu tilmaami karin daafac bidix dabiici ah, sidaas darteedna khaladaadkiisa qaarkood la fahmi karo. Hase yeeshee, wuxuu dhaliilay dhacdo ka dhacday kulankii Manchester City, halkaas oo Dorgu uu booskiisa ka baxay isagoo isku dayaya inuu kubadda soo ceshado, taasina ay keentay in kooxda ay yeelato laba daafac oo garabka midig ah.

“Taasi ma ahan wax ka dhici kara heerkaas,” ayuu Simpson ku dooday, isagoo sheegay in mararka qaar daafacu uu khasab ku yahay inuu booskiisa ilaashado halkii uu si xad dhaaf ah kubadda uga daba tagi lahaa.

Dhanka Diogo Dalot, Simpson wuxuu sheegay inuu yahay ciyaaryahan uu aad u qadariyo, balse ay weli jiraan waxyaabo aan sax u muuqan inkastoo uu muddo dheer kooxda joogay.

Mazraoui-na wuxuu ku tilmaamay daafac si wanaagsan u shaqeeya xilliyada qaar, balse xusuusiyay in markii uu Manchester United ugu yimid qiyaastii £13 milyan uu u muuqday saxiix aad u wanaagsan, halka hadda uu dareemayo in ciyaaryahanku xoogaa hoos u dhacay.

Simpson sidoo kale wuxuu ka hadlay Luke Shaw, isagoo sheegay in inkastoo uu sameyn karo ciyaaro wanaagsan, haddana aysan macquul ahayn inuu si joogto ah u ciyaaro laba kulan toddobaad kasta. Tusaale ahaan, kulankii Everton, Shaw wuxuu sameeyay orod dheer oo weerar ah kaasoo gacan ka geystay goolkii Benjamin Sesko, balse kadib wuxuu dhaawac u maqnaa saddex kulan.

Sidaa darteed, Simpson wuxuu aaminsan yahay in Manchester United ay u baahan tahay ugu yaraan laba daafac garbaha ah oo si joogto ah u ciyaari kara, isla markaana heer wanaagsan joogto ah soo bandhigi kara.

“Joogteyntaas ayaa ah furaha, mana helayaan hadda,” ayuu Simpson yiri.

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay xagaaga dambe dib u habeyn ku sameyso daafaceeda, balse dib u dhacaasi wuxuu kooxda ku keeni karaa dhibaato, gaar ahaan iyadoo shantii kulan ee ugu horreeyay Premier League ay ka heshay hal guul oo keliya.

Simpson, oo qeyb ka ahaa kooxdii Leicester City ee 2016 si lama filaan ah ugu guuleysatay Premier League, ayaa sidoo kale ka sheekeeyay waayo-aragnimadiisii Manchester United iyo Sir Alex Ferguson.

Wuxuu xusuustay kulankii Everton ee 2007, markaas oo uu markii ugu horreysay Premier League ugu soo bilowday United. Habeenkii ka horreeyay kulanka ayuu saaxiibbadiis la ciyaarayay PlayStation, maadaama uusan filayn inuu ciyaarta bilaabi doono. Markii Ferguson u sheegay inuu safka hore kasoo muuqanayo, Simpson wuxuu dareemay inuusan si wanaagsan isu diyaarin.

Ferguson wuxuu si gaar ah ugu sheegay inuu joojiyo weerarrada iyo kubbadaha laga soo karoosayo garabka Everton, balse Simpson wuxuu sheegay in Steven Pienaar iyo Joleon Lescott ay dhib badan ku hayeen, waxaana ugu dambeyn qeyb ka noqday goolkii Tim Cahill ee Everton.

Simpson wuxuu qirtay in kulankaas uu cashar weyn ka bartay, isaga oo sheegay in hadalkii Ferguson ee waqtiga nasashada uu ahaa mid aad u adag.

Si kastaba, inkastoo waayo-aragnimadaas xun, Simpson wuxuu dambe ku guuleystay Premier League isagoo Leicester City la qaaday horyaalka 2016. Ferguson-na wuxuu markii dambe ula soo xiriiray hambalyo iyo inuu u sheegay inuu ku faanayo horumarkiisa.

Hadda, marka uu dib ugu soo laabanayo Manchester si uu u bilaabo shaqo falanqeeye kubadeed, Simpson wuxuu si cad u sheegay in Manchester United ay u baahan tahay inay si weyn u hagaajiso daafaceeda, iyadoo joogteynta iyo fahamka aasaaska daafaca ay yihiin labada arrimood ee ugu waaweyn ee kooxda ka maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here