Real Madrid Iyo Chelsea Oo Ka Shaqaynaya In Ay Is Dhaafsadaan laba Xiddig.

Kooxaha Chelsea Iyo Real Madrid ayaa doonaya in ay is dhaafsadaan laba xiddig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Blues ayaa suuqa ugu jirta Goolhaye ka hor bilaaashada xilli ciyaareedka cusub waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo badan.

Sida laga soo xigtay wargayska AS, Goolhayaha Real Madrid ee Andriy Lunin ayaa laga yaabaa in uu ku soo biiro chelsea.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Chelsea dhinaca Real Madrid u diri doonto Goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Kepa Arrizabalaga ayaa qaab amaah ah ugu joogay Real Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday kadib markii uu ka baxay qorshaha Kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga