Maamulka Premier League ayaa ku dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa horyaalka ee xilli ciyaareedka 2019/2020.
Xiddiga kooxda Tottenham Hotspur ee Son Heung-min ayaa loo caleemo saaray inuu dhaliyay goolkii ugu quruxda badnaa xilli ciyaareedka ee horyaalka Premier League.
Son Heung-min ayaa wuxuu abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ku garaacay xiddigo ay ka mid yihiin Kevin De Bruyne iyo Bruno Fernandes.
Goolkan aan caadiga aheyn ayuu Son Heung-min ka dhaliyay kooxda kubadda cagta Burnley, wuxuuna helay codadkii ugu badnaa ee la bixiyay, xiddiga reer South Korea ayaana u qalmay inuu ku guuleysto abaal-marintan.
Son Heung-min ayaa dhaliyay gool cajiib ah kulankii ay isku wajaheen kooxda Burnley, 7-da bishii December ee lasoo dhaafay, wuxuuna kulankaas ku dhamaaday 5-0 ay ku adkaatay Spurs, kaddib markii uu maray dhamaan xiddigihii kahor yimid, kahor inta uu kubadda dhex dhigin shabaqa Burnley.
Be the first to comment