Kooxda Paris Saint-Germain ayaa guul weyn ka gaartay Barcelona, kaddib markii ay 4-2 ku garaacday kulan ka tirsanaa wareegga saddexaad ee heerka horyaalka UEFA Champions League xilli ciyaareedka 2026/27.
Kulankan oo habeenkii Talaadada lagu ciyaaray garoonka Parc des Princes ee magaalada Paris ayaa Barcelona, oo uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick, kala kulantay guuldarradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay guuleysatay 11-kii kulan ee ay horay u ciyaartay.
PSG ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 38-aad, waxaana goolka u dhaliyay Désiré Doué, kaddib qalad uu sameeyay Lamine Yamal. Barcelona ayaa barbaraha la timid daqiiqaddii 55-aad, waxaana u dhaliyay Xavi Espart.
Lucas Hernández ayaa daqiiqaddii 72-aad PSG dib ugu soo celiyay hoggaanka, balse Lamine Yamal ayaa daqiiqaddii 78-aad dhaliyay goolka barbaraha Barcelona, isaga oo rajo geliyay kooxdiisa.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa si degdeg ah ciyaarta ula wareegtay. Vitinha ayaa daqiiqaddii 81-aad dhaliyay goolka saddexaad, halka Fabián Ruiz uu daqiiqaddii 86-aad dhammaystiray guusha kooxda reer France, isaga oo ciyaarta ka dhigay 4-2.
Kulanka ayaa sidoo kale dhaawacyo ka dhaceen labada kooxood, iyadoo Ousmane Dembélé iyo Dani Olmo ay garoonka ka baxeen qeybtii hore ee ciyaarta, halka Khvicha Kvaratskhelia uu isaguna dhaawac ku baxay.
Natiijadan kaddib, Paris Saint-Germain ayaa yeelatay 9 dhibcood, halka Barcelona ay ku hartay 6 dhibcood.
Guuldarradan ayaa dhabarjab weyn ku ah Barcelona iyo tababare Hansi Flick, maadaama ay soo afjartay bilowgii guulaha badnaa ee kooxda xilli ciyaareedkan.

