Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda koowaad ee Barcelona, Rafinha, ayaa Go’aan ka gaadhay ka tagistiisa Barcelona suuqa xagaagan.
Waxaa jiray warar badan oo ku saabsan mustaqbalka Rafinha ee Barcelona marka la eego rabitaanka kooxda ee ah inay iska iibiso oo ay ka faa’iidaysato dhaqaale ahaan si ay u maalgeliso heshiisyo cusub.
Tani waa ka dib markii ay xiiso xoog leh ka heleen kooxda Al Hilaal Saudi Club, oo raadineysa ciyaaryahan cusub oo garabka ah iyadoo la filayo inuu baxo mid ka mid ah ciyaartoyda ajnabiga ah inta lagu jiro usbuucyada soo socda.
Rafinha ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan ka tagista Barcelona bayaan uu siiyay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia, wuxuuna yiri: “Waxaan rajeynayaa inaan la bilaabo shaqada Hansi Flick.”
Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan helay fasax xagaa ah oo aad u wanaagsan, waxaana diyaar u ahay inaan hadda shaqeeyo oo aan tababaro isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.”
Be the first to comment