Premier League ayaa dajiyay qorshe ku saabsan koobka premier League kadib markii Arsenal iyo Man City isla gaadheen maalinta ugu dambaysa horyaalka premier League.
Manchester City waxa ay hanan kartaa horyaalkii afaraad oo xiriir ah, iyo markii lixaad todobadii sano ee la soo dhaafay hadii ay garaacdo West Ham, hadii uu lama filaan dhoco oo ay Man City dhibco lumiso Arsenal ayaa 2 dhibcood ka dambaysa Man City waxana ay ka faa’iidaysan kartaa kuna guulaysan kartaa premier League hadii ay garaacaan Everton.
Kooxda Man City ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga premier League laakiin Arsenal ayaa wali fursad u haysata marka ay la ciyaarayso kooxda Everton.
Maamulka Premier League ayaa diyaariyay qorshe ay ugu tala galeen kooxda ku guulaysata premier League.
Premier League ayaa diyaariyay 2 koob oo isku mid ah oo ay qorsheeyeen in ay kala geeyaan kulamada Arsenal iyo Man City.
Maamulka Premier League ayaa ugu tala galay in koobka la gudoonsiiyo labada kooxood midka ku guulaysta si ay ugu dabaal-dagaan.
Be the first to comment