
Liverpool ayaa xooga saari doonta sidii ay ula soo saxiixan lahayd weeraryahan cusub xagaagan kadib heshiiskii cusub ee Mohamed Salah sida ay sheegayaan wararku.
Reds ayaa heshiis cusub oo laba sano ah ka saxiixday jimcihii, si ay u xaqiijiso mustaqbalka ciyaaryahan leh 32 gool iyo 22 caawin 45 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.
Daafaca dhexe ee Virgil van Dijk ayaa la filayaa in uu saxiixo heshiis cusub oo isaga u gaar ah mustaqbalka dhaw taas oo la macno ah in Liverpool ayna u baahnayn in ay la soo saxiixato badalkooda labada xiddig ee ugu muhiimsan kooxda.
Sida laga soo xigtay BBC Sport, suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo heli lahaa weeraryahan cusub si uu ugu garab ciyaaro Salah.
Be the first to comment