
Kooxda PSG ayaa Xasuuqday Man City kulan k tirsanaa wareega 7-aad ee champions league.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba ciyaareed weerar iyo weerar celis.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ayna labada kooxood waxba kala dhalin.
Laakiin daqiiqadii 50-aad iyo 53-aad ayay Man City dhalisay laba Gool oo deg-deg ah waxana u dhaliyay xiddiga Grealish iyo Haaland iyaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Laakiin PSG ayaa isla markiiba ka jawaabtay goolasha ay kooxda Man City dhalisay.
Dembélé ayaa PSG u dhaliyay goolka 2-aad daqiiqadii 56-aad ka Hor inta uuna xiddiga Barcola u dhalin PSG goolka 2-aad daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta.
Xiddiga Neves ayaa daqiiqadii 78-aad Kooxdiisa u dhaliyay goolkii 3-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Xiddiga Ramos ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee Kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2.
Waxana ay guushu sidaas ku raacday kooxda PSG.
Be the first to comment