Premier League Oo Ganaaxay Man City

Maamulka Premier League ayaa ganaax dusha ka saaray kooxda Man City kadib markii ay jabiyeen 22 sharci oo u yaala bilaabashada xilli ciyaareedka 2022/23 iyo 2023/24.

Horyaalka Premier League ayaa xaqiijiyay in ay heshiis la gaareen kooxda Man City sababo la xiriira marar badan oo dib u dhac ku yimid kulamadii hore iyo qeybta labaad sabab la’aan.

War qoraal ah oo arbacadii soo baxay ayaa lagu yiri:”Premier League iyo kooxda Man City ayaa galay heshiis ganaax kadib markii ay man City aqbashay in ay jabisay sharciga premier League ee L.33 ee la xiriira bilowga iyo dib u bilaabista waajibaadka.”

“Jebinta ayaa la xiriirta dhowr kulan oo Premier League ah inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka 2022/23 iyo 2023/24”

“Sharciyada bilaabashada ciyaarta labada qaybood ayaa loo sameeyay in ay gacan ka gaysato in sida ugu fiican wax ugu socdaan dhamaan 380 kulan ee ay ciyaareen”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga