Phil Foden Oo Sharaxay Dabaal-degii Kulankii Brentford

Phil Foden ayaa saddexley cajiib ah u dhaliyay Manchester City kulankii Brentford – taageerayaashuna waxay daawadeen xiddiga oo samaynaya dabaal deg cusub.

City ayaa 3-1 ku garaacday Bees ciyaar ka dhacday gegada Gtech Community Stadium si ay u soo yarayso farqiga u dhexeeya Liverpool oo kaliya laba dhibcood.

Foden waxa uu ahaa xidigii bandhiga ee ka dhacay London, isagoo dhaliyay  3 gool markii uu sii watay qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee uu ka ciyaarayay door dhexe.

“Waxa ay ahayd tartan naga dhexeeya wiilasha, waxa ay ugu yidhaahdaan waxa aan kubada laadaa mar walba marka aan tababarka ku jirno”ayuu yidhi

“Sidaaa darteed waxa aan go’aansaday in aan sameeyo dabaal-dega”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga