Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyay in uu xiddiga Rodri garoomada ka maqnaan doono muddo aad u dheer.
Rodri ayuu dhaawac soo gaadhay kulankii ay kooxda Man City bar-baro la gashay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa premier League.
“Waqti dheer ayuu maqnaan doonaa, in muddo ah, laakiin waxaa jira fikrado laga yaabo inay ka yaraan doonaan sidii aan fileyno,” ayuu yiri Pep Guardiola.
“Nasiib daro wuu dhaawacmay haatan ma sheegi karo muddada saxda ah ee uu maqnaan doono”.
“Maanu doonayn in ay tani dhacdo laakiin wali waxa aan qaadan doonaa xilli ciyaareed wanaagsan”ayuu sii raaciyay.
Wararka ayaa sheegaya in uu Rodri garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment